Saturday, June 19, 2010

Ilmo aabohood u dilay daawashada koobka aduunka darteed

Kulankii xiisaha lahaa ee uu xulka Jarmalka 4-0 kaga adkaaday qaranka Australia ayaa galaaftay nolosha Aabe 61 jir ah markii ay xaaskiisa iyo caruurtiisa ku murmeen daawashada cayaartaas taasoo ugu dambeyntii gaartay gacan ka hadal sababay musiibo qoyskaas soo wajahday.

David Makoeya oo u dhashay dalka Koofur Afrika ayaa waxaa dilay xaaskiisa oo 68 jir ah iyo wiil iyo gabar uu dhalay oo 38 iyo 23 sano kala jira markii uu ka diiday iney daawadaan barnaamij ay daawanayeen isagoo ku adkeystay inuu fiirsanayo kulanka Jarmalka iyo Australia oo isku waqti soo galayey.

- Wuxuu yiri «Maya maya ! waxeynu fiirsaneynaa koobka aduunka» markaas ayuu muranka bilowday kadibna wey kusoo boodeen ayuu yiri mid ka mid ah boliiska sida ay soo warisay wakaalada wararka AP.

Aabahan ayaa markii hore isku dayey inuu ka qaato remote controlka has yeeshee markii uu ku guuldareystay ayuu soo aaday TV-ga si uu u bedelo hase yeeshee qoyskiisa oo aad uga careysnaa sababta uu aabohood u go`aansadey daawashada koobka aduunka xili ay fiirsanayaan barnaamij diineed ay isku waqti soo galayeen ayaa kusoo booday oo kala tuuray odaygii guriga.

Boliiska oo aan weli cadeyn sida uu u dhintay ayaa u maleynaya iney kala tuureen markaasna uu derbi madaxa ku dhufsadey isla markaana dhulka ku dhacay.

Qoyska ayaa boliiska wacay markii ay arkeen in odayga dhaawac culus soo gaaray laakiin dhintay ka hor intii ay boliiska soo gaarin goobta. Xaaskii iyo labadii caruur ee uu ka geeriyooday ayaa xabsiga loo taxaabay inkastoo markii dambe gabadha lasii daayey.

Dalka Soomaaliya ayaa noqdey goobtii ugu horeysay ee ay dad ugu dhintaan koobka aduunka dartiis markii kooxo diimeed hubeysan weerar ku qaadeen goob si dhuumaaleysi ah ay dad ku daawanayeen koobka aduunka halkaasna ay ku dileen labo qof oo sababta ay u dhinteena ay aheyd keliya iney fiirsanayeen koobka aduunka.

0 comments:

Post a Comment