Saturday, June 19, 2010

Cayaaryahan Jarmal ah oo akhrista qur`aanka marka saaxiibadiis qaadayaan heesta calanka



Cayaaryahanka ay safka dheer ugu jiraan kooxaha ugu awooda badan Yurub Mesut Özil oo u cayaara qaranka Jarmalka asalkiisana kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa akhriya aayado qur`aan ah marka ay saaxiibadiis la qaadayaan heesta astaanta Jarmalka.

- Waxa ay isii neysaa awood dheeri ah iyo kalsooni marka aan akhristo qu`aanka, hadii aan kulanka bilowgiisa akhrisan qu`aanka waxaan dareemayaa iney wax iga qaldamayaan ayuu ku sababeeyey Mesut Özil oo 21 jir ah sababta uu qur`aanka u akhriyo halkii uu muusiga astaanka Jarmalka la qaadi lahaa.

Özil wuxuu ku dhashay Jarmalka, waalidkiis waa Turki wuxuuna cayaar wanaagsan soo bandhigay kulankii furitaanka koobka aduunka iyadoo kooxaha waa weyn ee Man.City, Arsenal, Manchester United, Chelsea, Inter iyo Juventus ay dadaal ugu jiraan sidii ay ula soo wareegi lahaayeen waxaana loo maleynayaa inuusan kooxdiisa Werder Bremen lasii joogi doonin xili cayaareedka soo socda iyadoo hal sano oo keliya uga hartay qandaraaska uu kula jiro

0 comments:

Post a Comment