RSS

Monday, June 28, 2010

Abudwaaq waa meel see u eg (daawo sairo qurxon)










maxamed aadan balayaax

Sunday, June 27, 2010

Stamford Bridge Stadium oo lagu qaban dono Munaasabada 1 Luulyo (warbixin iyo sawiro)

Stamford Bridge Stadium oo lagu qaban dono Munaasabada 1 Luulyo xili ay naga xigto 4 baari oo kaliya xalfadaan oo aysoo abaa bulayaan dhalin yarada somaliyeed ee west London ilaayo hada waxay dadka qaar isway dinayaan sida loogu ogoladey dhalinta garonka wayn ee Stamford Bridge


Munaasabadni oo lagu maamuusayaa Xuska 50
guuradii ka soo wareegtey xilligii ay Soomaaliya Xornimada ka qaadatey
Gumeysteyaashii Talyaaniga & Ingiriiska iyo Israacii labada Gobol ee
Koofurta iyo Wuqooyiga Soomaaliya oo ku beegneyd 1960 kii



Stamford Bridge Stadium oo loo diyarshay munasabada


Wariye niciimo(cw) sabakada cabudwaaq.blogspot.com west London...

Friday, June 25, 2010

xulka jamacada kuis oo coach mareeya la' la yahay kadib ciyartoy badan ay soo gateen (falo gaban)



Xulka jamacada kuis oo coach mareeya la' la yahay kadib ciyartoy badan ay soo gateen
xulka ayaa waxaa la soo daristay ayaantaan guuldaro bahsan iyadoo ay haysato ciyaartooy aad u xirfad badan sidokale waxaa nasoo gartay in la' la yahay Coach mareeya iyagoo garomada ku sogala si' aan mareysnayn oo iska gal ah iyadoo marka kulanka la ciyarayo ay isoo sharaxan dad aan looga bahnayn cooxda halka dadka looga bahan yahay aysan imaan xiligaas tasoo qasab ka dhigaysa inay ciyaran dadkaas kadibna keenta in looga badiyo 9 10 iwm sidaas waxaa noo xaqiiyay Captain nuuradiin oo wareysi siiyay cabudwaaq.blogspot.com

Sidookale nin magiciisa aan shacin aya shegay in waqti aan munasid ahayn loobalamiyo xooko sidn 25 27 28 bisha oo aytahay xili dhirta la saran yahay oo ay ciyartoyda qaar waxna cunin waxna cabin oo calasyada qaliil ku aada iyadoo hada lafteeda ay labalan san yihiin koox ka socota xaafada taman melati kl ciartooy badane ay dhib ku tahay inay saftan kulankaas

wariyaha ufadhiya kuis cabudwaaq.blogspot.com....

Thursday, June 24, 2010

Warbixin ku saabsan kulanka Portugal VS Brazil


Kulan aad u xiiso badan ayaa waxaa uu dhexmarayaa dalalka Braziil iyo Portugal kaas oo qeyb ka ah kulamadii ugu dambeeyay eee Guruubyada koobka adduunka.

Xidiga ku dhashay wadanka Braziil ee asal kazoo jeeda dalka Braziil ee Deco ayaa ka maqnaanaya kulankaan kadib sinta oo dhaawac uu kazoo gaaray kulankii 7-0 ay ku badiyeen .

Portugal waxa kaloo ka maqnaanaya kulankaan Ruben Amorim iyadoo lagu badali doonno Hugo Almeida.

Xulka Braziil ayaa samayn doonno labo isbadal marka loo eego kulankii Ivory Coast ay la caayareen waxaana suura gal ah in Dunga uu safo weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Real Madrid ee Julio Baptista oo lagu badli doonno Kaka oo calaamadda casaanka ku maqan halka Elano isna booskiisa uu buuxin doonno Dani Alves.

Waxaa ka maqan kulankaan Kaka halka hadii ay calaamado qaataan xidigahan ay waayi doonaan kulanka soo aadan Almeida, Mendes, Ronaldo (Portugal); Ramires (Brazil)

Kulankaan kaliya waxaa lagu kala ogaan doonaa cida hogaamin doonto guruubka G oo ah kan lagu tilmaamay guruubkii dhimashada waxaa kaloo laga cabsi qabaa in ay isku soo aadaan Braziil iyo Spain.

Kulamadii hore ee dhexmaray dalalkaan]

Waxay horey u kulmeen 18 jeer iyadoo Braziil ay badisay 12 kamid ah halka Portugal ay badiyeen 4 jeer waxana ay bar baro galeen 2 jeer.

Kulamadii ugu xiisaha badnaa ee dalalkan dhexmaray ayaa kamid ah kulan Portugal ay 3-1 ay ugu badiyeen dalka Braziil 1966 oo ay guruubyada kuwada jireen.

Portugal

Markii ugu dambeeysay oo Portugal guul daro kala kulantay Braziil ayaa ahayd cayaar dhacday November 2008 waxaana 6-2 ku badiyay Braziil.

Guushii Portugal ay 7-0 ugu badisay Waqooyga kuuriya ayaa hayad guusii ugu weyneyd ay ebed ka gaaraan koobka adduunka waana guushii 7-aad ee ugu weyneyd ee koobka adduunka laga gaaro taariikhda.

Brazil

Braziil ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 28 kulan ee ugu dambeeyay waxaana ka badiyay Bolivia.

Braziil ayaa kazoo qeyb gashay dhamaan inta jeer ee koobka adduunka la qabtay.

Braziil ayaa laga badiyay hal kulan 32 jeer oo ay cayartay kulamo guruubyada ah tan iyo 1966.

Kulankaan waxaa garsooraya Benito Archundia (Mexico)

Caawiyayal ama calan wadayaal : Hector Vergara (Can) & Marwin Torrentera (Mex)

Garsooraha keydka: Paul O'Leary (New Zealand)

Xulkii difaacanayey koobka aduunka oo gurigooda loo diray



Xulkii difaacanayey koobka aduunka ee Talyaaniga ayaa ka haray gurigoodana loo diray markii guuldaro 3-2 ah dhabarka loo saaray kulankii ay la yeehseen xulka yar ee Slovakia oo markii ugu horeysay taariikhdooda ka qeyb gelaya koobka weyn ee aduunka.

Robert Vittek ayaa labadii gool ee hore labada qeyb ee ciyaarta u kala dhaliyey xulka Slovakia ka hor intuu uusan cayaaryahan Antonio Di Natale gool u dhalin Talyaaniga 10 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta.

Xulka Talyaaniga oo aad u raadinayey goolka bareejada ayaa weeraro isdaba joog ah soo qaaday laakiin 2 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta ayuu Kopunek oo bedel kusoo galay xulka Slovakia u dhaliyey goolkii 3aad.

Dhamaadkii cayaarta ayuu Quagliarella u dhaliyey Talyaaniga gool ka mid noqon doono kuwii ugu quruxda badnaa ee sanadkan laga dhaliyo goobka aduunka rajo aan badneyna geliyey taageerayaasha Talyaaniga laakiin wuxuu noqdey gool soo daahay.

Xulkii heystay koobka aduunka ayaa kaalinta ugu dambeysa ka galay guruub ay kula jireen xulalka Paraguay oo 1aad kusoo baxday markii ay bareejo goolal la`aan ah la galeen New Zealand kulankii kale ee maanta, Slovakia oo labaad kusoo baxday, xulka New Zealand oo 3aad galay markii ay 3dii cayaarba bareejo galeen halka xulka Talyaaniga oo la sugayey inuu si fudud kusoo bixi doono ay 4aad galeen iyagoo 2 dhibcood oo keliya shaqeystay.

Marka lagu daro xulka Faransiiska oo iyagana gurigooda loo diray waxey noqoneysaa markii ugu horeysay taariikhda koobka aduunka ee labadii dal finaalaha ku kulmay koobkii xigay lagu wada reebo guruubka.

Waxey noqoneysaa markii 3aad ee xul difaacanaayo koobka aduunka uu ku haro wareega 1aad iyadoo xulalka Brazil 1962 oo wareega 1aad ku haray 1966kii iyo Faransiiska 1998 oo wareega 1aad ku haray 2002 ay hada sadexeyneyso Talyaaniga 2006 oo sanadkan ku haray wareega 1aad.

Waa markii ugu horeysey ee qaranka Talyaaniga oo taariikh weyn ku leh koobka aduunka ku haro wareega 1aad tan iyo 1974kii markaasoo kaalinta 3aad noqdeen iyagoo ka kormaray xulka Haiti, xiligaas waxaa guruubka Talyaaniga 1aad iyo 2aad kusoo kala baxay qaramada Polen iyo Argentina.

Ceebta sanadkan Talyaaniga ka raacday koobka aduunka waxey taageerayaashooda soo xusuusineysaa koobkii aduunka 1966 markaasoo qaranka Kuriyada Waqooyi oo markoodii ugu horeeyey ka qeyb gelayey koobka aduunka ay 1-0 ku dhufteen gurigoodana u direen xidigihii Talyaaniga sidaasna ugu soo gudnay wareega 2aad.

Xulka Slovakia oo markoodii ugu horeeyey ka qeyb gelaayo koobka aduunka sanadkan ay 3-2 ku dhufteen gurigoodana weji gabax ugu direen xulkii difaacanayey koobka aduunka sidaasna kusoo gaaray wareega 2aad.

Wednesday, June 23, 2010

Afrika oo Ghana ka hartay... Ingiriiska iyo Jarmalka oo isku soo aaday

Xulka Ghana ayaa noqdey dalka keliya ee Afrika ee usoo baxa wareega 2aad ee koobka aduunka sanadkan inkastoo kulankii ugu dambeeyey caawa lagaga adkaaday 1-0 markii ay iska hor yimaadeen xulka awooda ku leh kubada cagta ee Jarmalka.

Ghana oo kulankaan ka hor shaqeysatey 4 dhibcood ayaa guul iyo bareejo kusoo baxday halka xulka Jarmalka uu ku qasbanaa inuu badiyo ama ugu yaraan uu bareejo keeno isla markaana uu ka warsugo natiijada kulankii dhex marayey Australia iyo Serbia oo kusoo dhamaaday 2-1 ay ku badisay Australia.

Xulka Ghana ayaa bilowgii cayaarta lasoo galay dardar iyagoo dhowr jeer sigay goolka Jarmalka hase yeeshee xulka Jarmalka ayaa cayaarta la qabsaday kubada la qeybsaday xulkii Ghana, labada xul waxey iska qasaariyeen fursado waa weyn waxaana lagu kala nastay goolal la`aan.

Xidiga maalmahan shidan ee Jarmalka Mesut Oezil ayaa gool qurux badan u dhaliyey xulkiisa nus saac ka hor dhamaadkii cayaarta markii uu darbo xoogan kasoo gamay qiyaastii meel 20 mitir u jirto shabaqa, xidgaha Ghana ayaa dadaal weyn u galay sidii ay isaga gudi lahaayeen goolkaas inkastoo ay ku guuldareysteen.

Australia ayaa caawisay xulka Ghana markii ay 2-1 ku dhufteen qaranka Serbia, labadan dal ayaa ka haray wareega labaad waxaa guruubkan 1aad kusoo baxay dalka Jarmalka oo 6 dhibcood yeehsay, xulalka Ghana iyo Australia ay min 4 dhibcood urursadeen laakiin dhanka goolasha waxaa ku wanaagsanaa Ghana oo dhalisay 2 gool lagana dhaliyey 2 halka Australia ay dhaliyeen 3 gool laakiin laga dhaliyey 6 gool sidaasna uga haray koobka aduunka maadaama marka la kala jaro goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey Austraalia lagu yeeshay 3 halka xulka Ghana aan waxba lagu yeelan.

Xulka Ghana ayaa difaacay magaca iyo sharafta qaarada Afrika oo sanadkan markii ugu horeysay lagu qabanaayo halka 5ta dal ee kala ku hareen wareega 1aad. Ghana oo sidoo kale aheyd dalka keliya ee Afrika usoo baxay wareega labaad 2006 waxey kulanka 16ka dal isku aadan yihiin xulka Mareykanka halka xulalka Ingiriiska iyo Jarmalka uu kulan adag dhex mari doono maalinta Axada.

Xulalka Jarmalka iyo Ingiriiska waxey hore ugu kulmeen koobka aduunka 4 jeer iyadoo dalka Jarmalka badiyey 2, dalka Ingiriiskana 1

IJermain Defoe ayaa noqdey halyeygii Ingiriiska markii uu dhaliyey halkii gool ee ay kaga badiyeen xulka Slovenia halka cayaaryahan Donovan u horseeday qaranka Mareykanka iney 1aad kaga soo baxaan guruubka D markii uu goolka guusha dhaliyey ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey cayaarta gurigoodana u diray qaranka Algeria.

Falanqeynta kulamada Slovenia vs England, Ghana vs Germany, USA vs Algeria.


Slovenia v England

Waxaa cayaar aad u xiiso badan ay dhexmaraysaa dalalka Ingiriiska iyo Slovenia waana kulan lagu kala ogaanayo cida u soo baxayso wareega 16-ka ee koobka adduunka iyadoo Ingiriiska uu leeyahay 2 dhibcood halka Slovenia ay ka leedahay 4 Dhincood waxayna ka dhacaysaa cayaarta Port Elizabeth.



Tababaraha wadanka Ingiriska Fabio Capello ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Mathew Upson uu badali doonno booska Jamie Carragher oo labo jaalle ku maqan kulankaan waxaana uu sheegay in go’aan uu ka qaadanayo weerarka cida uu kala cayaarsiinayo xidiga xoogan ee Roonay.

Warar kale ayaa sheegaya in Capello ay suura gal ah in uu cayaaro weerar hal afle ah isla markaana shan cayaaryahan uu dhexda ka cayaarsiiyo isagoo Joe Cole suura gal tahay in uu kusoo bilaabo kulankaan. Michael Carrick ayaa ah mid caafimaad qaba waxana wali ka maqan ingiriiska Ledley King.

Xidiga daafaca dhexe ee xulka Slovenia Marko Suler ayaa shaki la galinayaa kulankaan kadib markii feer ay dhibaato ka gaartay kulankiii Maraykanka ay la cayaareen waxaana lagu badalayaa Matej Mavric waxaa sidoo kale ka dhaawacan xulkaan weeraryahankooda Necj Pecnik kaas oo ka jabay anqaowga.

Waxaa ka maqnaanaya kulanka soo aadan hadii ay calaamo qaataan xidigahaan Cesar, Jokic, Kirm, Komac, Suler (Slovenia); Gerrard, Milner (England).

Kulamadii hore ee dhexmaray dalalkaan.

Waxaa horey u kulmeen hal jeer waxaana 2-1 ku adkaaday ingiriiska cayaar saaxiibtinimo oo dhexmartay bishii September ee sanadkii tagay waxaana uu ahaa gool Rigoore ah oo uu dhaliyay Lampard.

Slovenia

Waxay adkaadeen todobo kamid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay waxaana sidoo kale ay bar baro lasoo galeen dalka Maraykanka.

Dalkaan Slovenia waa dalkii 5-aad ee ugu dadka yare e ebed cayaaray koobka adduunka waxaana ka ay kala ahaayeen dalalkii kale ee ugu dadka yaraa ee koobka adduunka kazoo qeyb galay

Trinidad & Tobago (2006), Northern Ireland (1958), UAE (1990) iyo Uruguay (1930).

Weeraryahanka wadanka Slovenia Milivoje Novakovic waxaa uu u baahan yahay hal gool si uu u noqdo xidiga ugu gool dhaliska badan dalkaas waxaana haatan ah cayaaryahanka ugu gool dhaliska badan Slovenia xidiga cayaaraha ka fariistay ee Saso Udovic oo 16 gool leh.

England

Wayne Roonay ayaa wax gool ah dhalinin 7 kulan ee caalami ee ugu dambeeyay oo dalkiisa uu u cayaaray waxayna la mid tahay 10 saac iyo bar ama 639 daqiiqo xitaa ay ku jiraan daqiiqadaha dheeriga ee cayarta lagu daro waxaana ugu dambeeysay gool uu dhaliyo Bishii September kulan dalka Croaria ay la cayaareen waana xiligiisa ugu xumaa ee xulka.

8 kulan ee ugu dambaysay koobka adduunka ee ingiriska uu cayaaro kulanka ugu dambeeya ee guruubyada ayay badiyeen 6 jeer oo kamid ah waxayna bar baro galeen labo jeer oo kala ahayd Nigeria 2002 iyo Sweden 2006.

Xulka ingiriiska ayaa ku guul daraystay in uu adkaado labada kulan ee guruubyada tan iyo 1990 markaas oo ay soo gaareen Seme Finalaha koobkan.

Kulankaan waxaa garsoorayo : Wolfgang Stark (Germany) Caawiyayaal ayaa kala ah Hendrik Salver iyo Mike Pickel (both Germany) Garsooraha Keydka waa l: Joel Aguilar (El Salvador)



Ghana v Germany

Waxaa kulan kala reeb ah cayaarya dalalka Ghana iyo Germany kuwaas oo u dagaalamaya wareega 16-ka koobka aduunka waxaana Germany uu guul daro kala kulmay kulankii ugu dambeeyay Serbia halka Ghana ay bar baro la soo galeen Australia waxayna kala leeyihiin Germany 3 dhibcood iyo Ghana 4 dhibcood waxaana ay mid kasta uu ka cararayaa dalka Serbia oo leh 3 hadii uu ka adkaado Australia ay u soo bixi karaan wareega xiga ee koobkan waxayna ka dhacaysaa cayaaartaan garoonka Soccer City ee Johannesburg.

Tababaraha wadanka Germany Loew ayaa sheegay in uu ku samayn doonno xulkiisa is badal ha lama labo ah isagoo la tashan doonno caawiyayashiisa.

Weeraryahanka Miroslav Klose ayaa calaamadda casaanka ku maqan iyadoo uu cayaarayo kulankaan dhaliyihii goolashii Australia ay kaga adkaaden mid kamid ah waana weeraryahanka Cacau.

Xidigaha xulka Ghana ee kala ah John Mensah iyo Issac Vorsah ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kadib dhawac horey u soo gaaray xidigahaan.

Waxaa hal kulan waayi doona xidigahaan hadii ay qaataan calaamad jaallo: Vorsah, Tagoe, Jonathan Mensah, Addy, Annan (Ghana); Cacau, Khedira, Lahm, Oezil, Schweinsteiger (Germany).

Xulka Ghana waxaa uu ahaa dalkii Afrikaan ah ee wareega 16-ka soo gaaray 2006.

Kulamadii hore ee dalalkaan dhexmaray

Waxay horey u cayaareen hal kulan oo qura waxaana Germany ay ku badiyeen 6-1 cayaar saaxibtinimo oo dhexmartay 1993 oo ka dhacday magaalada Bochum.

Ghana

Dalkaan Ghana waa dalka kaliya ee oo adkaada Mid kamid ah labadii kulan ee koobka adduunka xiligaan.

Dalka Ghana waxaa uu soo gaaray koobka adduunka wareegiisa 16-ka 2006 Nigeria ayaa ah dalka kaliya Afrikaan ee labo koob adduun ee isku xiga soo gaaray wareegyada kale waxayna gaareen 1994 iyo 1998.

Ghana 6 kulan oo koobka adduunka uu ka cayaaro ayaa afar rigoore loo dhigay iyagoo 3 kamid ah dhaliyay.

Germany

Dalka Germany ayaa la cayaaray shan kulan dalal ka socda qaaradda Afrika waxaana ka badiyay kaliya Algeria 2-1 sanadkii 1982.

Kulankii ugu dambeeyay ee koob adduun oo Germany laga badiyo labo cayaar oo isku xiga ayaa ahayd 1978 iyo 1982.

Kulalankaan waxaa garsoorayo :Carlos Simon (Brazil) Caawiyayaal ama calan wadayaal : Altemir Hausmann & Roberto Braatz (Brazil), Garsooraha keydka Martin Vazquez (Uruguay)

USA v Algeria

Waa kulankii ugu horeeyay ee dhexmara dalalkaan.

USA

Dalkaan maraykanka hal jeer ayuu la cayaaray dal ka socda qaaradda Afrika waxaana ay ahayd 2006 oo Ghana ay kaga badisay 2-1 isla markaana Ghana ay u soo baxday wareega 16-ka.

Dalka maraykanka ayaa laga adkaanayay kulanka ugu dambeeya ee guruubyada 6 koob adduun ee ugu dambeeyay laga soo bilaabo 1950-kii.

Algeria

Algeria ayaa laga badiyay labadii kulan oo ay la cayartay dal kasocda waqooyga iyo bartamaha Ameerika waxaana 1-0 kaga badisay Cupa 1974 iyo Mexico oo 2-0 ugu badisay 1985.

Waxaa garsooraya Frank de Bleeckere (Belgium Caawiyayaal : Peter Hermans (Belgium) & Walter Vromans (Belgium), Garsooraha keydka: Subkhiddin Mohd Salleh (Malaysia)