Sunday, June 20, 2010

Afrika oo ilmeyneysa!! Waa sidee rajada xulalka Afrika ee usoo bixitaanka wareega 2aad



Qaarada Afrika ayaa dib udhac kale kala kulantay kulamadii maanta iyadoo xulka Cameroon oo ka mid ahaa rajadii Afrika llaga reebay markii guuldaradii labaad dhabarka loo saarshay kulankii ay la lahaayeen xulka Danmark oo kusoo dhamaaday 2-1.

Dalka Ghana oo ah xulka keliya dalalka Afrika ee badiyey koobka aduunka sanadkan markii ugu horeysay lagu qabanayo Afrika ayaa galabta cayaaray waxeyna bareejo 1-1 ku kala bexeen xulka Australia oo in kabad saacad ku cayaarayey 10 markii guduud laga siiyey xidigooda ugu weyn Harry Kewell.

Xulalka qaarada Afrika oo sanadkan la saadaalinaayey iney waxoogaa horumar ah ka sameyn doonaan koobka aduunka oo markii ugu horeysay marti gelinayaan ayaa bedelkeeda u eg inuu fashil noqdo lagana yaabo in dhamaantood kuwada haraan wareega 1aad.

Illaa iyo hada waxey dalalka Afrika cayaareen 11 kulan iyagoo badiyey hal kulan oo keliya (Ghana 1-0 Sebia) waana natiijada keliya ee farxad gelineysa qaarada weyn ee Afrika oo markii ugu horeysay 6 dal ugu qeyb gelayaan koobka aduunka.

Afar ka mid ah 11kii kulan ee ay cayaareen ayey bareejo galeen (S. Africa 1-1 Mexico, Ivory Coast 0-0 Portugal, Algeria 0-0 Ingiriiska iyo Ghana 1-1 Australia) iyadoo 6 kulan laga adkaaday taasoo weji gabax ku ah magaca Afrika lagana yaabo in hadii uu sii socda hoos udhaca kubada cagta Afrika la yareeyo tirada dalalka ugu qeyb gelaya koobabka aduun ee soo socda.

Marka la isku daro 11ka kulan ee ay safteen xulalka Afrika waxey dhaliyeen 5 gool oo keliya halka laga dhaliyey 12 gool laakiin weli ma dhiman rajada ay dalalka Afrika ka qabaan usoo gudbida wareega 2aad.

Marka laga reebo dalka Cameroon oo noqdey xulkii ugu horeeyey ee boorsooyinka ka xirxirta koobka aduunka weli 5ta dal ee kale rajo ayey ka qabaan iney soo baxaan inkastoo rajada xulka marti gelinaya koobka aduunka sanakan ee Koofur Afrika iyo Nigeria rajadooda liidato oo min halka kulan ee u haray laga rabo iney badiyaan isla markaana rajeeyaan in kulamada kale ee guruubkooda uu nasiibka saacido tusaale ahaan in kulanka dhex maraya Mexico iyo Uruguay uu midkood goolal badan ku badiyo isla markaana ay Koofur Afrika ka badiso Faransiiska iyo in Nigeria kulanka ugu dambeeya ka badiso Kuriyada Koofureed isla markaana Argentina garaacdo Giriiga taasoo ah wax dhici kara oo aan u baahneyn mucjiso.

Dalalka Algeria iyo Ghana wey soo baxayaan hadii ay badiyaan kulanka u haray, Ghana hadii ay bareejo gasho wey soo baxdaa xitaa hadii looga badiyo wax ka yar 2-0 isla markaana Australia ka badiso Serbia ama ay bareejo min hal gool ama ka yar ku kala baxaan Ghana wey soo baxdaa waxeyna u dhowdahay in Ghana lagu arko wareega 2aad inkastoo kulankii maanta ay aheyd iney badiyaan si ay rajadooda usii fiicnaato.

Dalka Ivory Coast wuxuu kulan muhiim ah habeen dambe la yeelanayaa xulka loo maleynayo inuu hanan doono koobkan ee Brazil hadiiba ay Ivory Coast badiyaan kulankaas waxey dhowr talaabo hore ugu sii qaadayaan usoo bixitaanka wareega 2aad, hadii ay dhibic qalqaalsadaan rajadooda ma xuma laakiin hadii laga badiyo rajadooda waxey ku xirnaaneysaa natiijada kulamada kale.

Xulalka Afrika waxey ku bilaabeen tartankan caajis iyo rajo xumo laakiin weli waa waqti hore in laga deyriyo rajada ay xulalka Afrika ka qabi karaan inuu sanadkan u noqdo mid farxadeed oo aan runtii rajeyneyno inuu noqdo.

0 comments:

Post a Comment