Monday, June 21, 2010

Anelka oo laga saaray qaranka Faransiiska markii uu caayey macalinkiisa, Faransiiska oo galay xaalad adag


Aflagaado uu Anelka u geestay tababarihiisa qaranka Raymond Domenech ayaa sababtay in Anelka laga saaro xulka isla markaana loo diro Faransiiska.

Sida ay soo wariyeen qaar ka mid ah saxaafada markii dambana ay shaacisey xiriirka kubada cagta Faransiiska wuxuu Anelka aflaadeeyey macalinkiisa intii lagu jiray nasashada kulankii ay jacda iyo ceebta ka raacday ee Mexico.

Tababare Domenech ayaa dhaliilay qaab ciyaareedkii Anelka kuna amray in sida uu faro u cayaaro markii uu Anelka isku dayey inuu fikirkiisa ka dhiibto habka ay u cayaari karaan ayuu tababaraha ku hanjabay inuu bedelayo hadii uusan fulin wixii la faray.

- War naga tag , dhillo xun aa ku dhashee, ayuu anelka ku yiri macalinkiisa.

Domenech ayaa go`aansadey inuu isla markiiba bedelo iyadoo qeybtii dambe Anelka uusan garoonka kusoo noqon, bedelkiisa waxaa soo galay Andre-Pierre Gignac.

Anelka ayaa markii dambe diiday inuu raali gelin ka bixiyo aflagaadadii uu u geystay macalinkiisa taasoo aheyd sababta looga saaray xulka dibna loogu celiyey dalka Faransiiska sida ay sheegtay tv-ga TF1.

Arintan ayaa aheyd xaalada ugu weyn dalka Faransiiska iyadoo madaxweynaha Faransiiska uu ka hadlay.

- Hadii wararka kasoo baxaya arintan ay sax tahay waa mid aan loo dulqaadan karin ayuu yiri madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy.

Anelka oo ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan ee soo mara kubada cagta Faransiiska ayaa hore afkiisa uga soo bexeen ereyo dood badan ka dhasheen hase yeeshee aflagaadan uu u geystay macalinka xulka Faransiiska waxey noqon kartaa dhamaadkii mustaqbalka heer qaran dib dambana aan loogu arkin isagoo xiran maaliyada xulka Fransiiska sida uu ku goodiyey gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Fransiiska Christian Teinturier.

- Hadii aflagaadada uu geystay Anelka tahay mid sax ah xulka qaranka boosna uguma banaana. Hadii ay dhacdo inuu isaga sii cayaaro macneheeda waa in cayaaryahanadu aysan leheen xuduud celiya waxey doonaana ay iska dhihi karaan ayuu hadal kooban ku yiri Christian Teinturier oo ka hadlayey fadeexada saameysay xulka Faransiiska.

2003 xili uu dhowr sano ka maqnaa xulka qaranka wuxuu Anelka yiri «hogaanka xulka qaranka Faransiiska waa iney soo jilbajabsadaan oo ay i tuugaan si aan mar dambe ugu ciyaaro qaranka».

2004 markii xilka tababaranimo ee qaranka Faransiiska loo dhiibay Domenech wuxuu Anelka yiri:

- Uma maleynayo inaan xulka Faransiiska u cayaaryo inta uu Domenech tababare ka yahay maxaa yeelay iima ogolaanayo xitaa hadii 60,000 (lixdan kun ) oo cayaaryahan ka dhaawacanto faransiiska.

Kabtanka qaranka Faransiiska oo shir jaraa`id qabtay markii la go`aansaday in Anelka laga saaro xulka ayaa diiday inuu eedeeyo Anelka laakiin bedelkeeda weeraray qof uusan magacaabin.

- Dhibka na heysta ma ahan Anelka ee waa kan khaa`inul wadan ah ee nagu dhex jira. Hadiiba qof laga saarayo qaranka waxey aheyd in khiyaanoolahaas qaran laga saaro Faransiiskana dib loogu celiyo ayuu yiri Evra oo sheegay in wixii dhacay ay ogaayeen keliya cayaaryahanada iyo macalimiinta.

Wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee l'Equipe ayaa saakay subaxdii lasoo jarmaaday in Anelka aflagaado u geystay Domenech isagoo soo xiganayey qof aan la magacaabin waana qofkaas cida uu Evra ku tilmaamay khaa`inul wadan ku dhex jira.

Evra ayaa xusay inuu qiyaasayo qofka warka faafiyey oo uu ku tilmaamay qof kasoo horjeeda horumarka dalka isagoo ugu dambeyntiina xusay in warka Anelka ku yiri tababare Domenech inaan loo soo gudbin sida uu ahaa.

Faransiiska ayaa u muuqda iney ku haraan wareega 1aad iyagoo labo cayaar hal dhibic helay welina aan gool ka dhalin koobka aduunka 2010.

0 comments:

Post a Comment