Wednesday, June 23, 2010

Falanqeynta kulamada Slovenia vs England, Ghana vs Germany, USA vs Algeria.


Slovenia v England

Waxaa cayaar aad u xiiso badan ay dhexmaraysaa dalalka Ingiriiska iyo Slovenia waana kulan lagu kala ogaanayo cida u soo baxayso wareega 16-ka ee koobka adduunka iyadoo Ingiriiska uu leeyahay 2 dhibcood halka Slovenia ay ka leedahay 4 Dhincood waxayna ka dhacaysaa cayaarta Port Elizabeth.



Tababaraha wadanka Ingiriska Fabio Capello ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Mathew Upson uu badali doonno booska Jamie Carragher oo labo jaalle ku maqan kulankaan waxaana uu sheegay in go’aan uu ka qaadanayo weerarka cida uu kala cayaarsiinayo xidiga xoogan ee Roonay.

Warar kale ayaa sheegaya in Capello ay suura gal ah in uu cayaaro weerar hal afle ah isla markaana shan cayaaryahan uu dhexda ka cayaarsiiyo isagoo Joe Cole suura gal tahay in uu kusoo bilaabo kulankaan. Michael Carrick ayaa ah mid caafimaad qaba waxana wali ka maqan ingiriiska Ledley King.

Xidiga daafaca dhexe ee xulka Slovenia Marko Suler ayaa shaki la galinayaa kulankaan kadib markii feer ay dhibaato ka gaartay kulankiii Maraykanka ay la cayaareen waxaana lagu badalayaa Matej Mavric waxaa sidoo kale ka dhaawacan xulkaan weeraryahankooda Necj Pecnik kaas oo ka jabay anqaowga.

Waxaa ka maqnaanaya kulanka soo aadan hadii ay calaamo qaataan xidigahaan Cesar, Jokic, Kirm, Komac, Suler (Slovenia); Gerrard, Milner (England).

Kulamadii hore ee dhexmaray dalalkaan.

Waxaa horey u kulmeen hal jeer waxaana 2-1 ku adkaaday ingiriiska cayaar saaxiibtinimo oo dhexmartay bishii September ee sanadkii tagay waxaana uu ahaa gool Rigoore ah oo uu dhaliyay Lampard.

Slovenia

Waxay adkaadeen todobo kamid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay waxaana sidoo kale ay bar baro lasoo galeen dalka Maraykanka.

Dalkaan Slovenia waa dalkii 5-aad ee ugu dadka yare e ebed cayaaray koobka adduunka waxaana ka ay kala ahaayeen dalalkii kale ee ugu dadka yaraa ee koobka adduunka kazoo qeyb galay

Trinidad & Tobago (2006), Northern Ireland (1958), UAE (1990) iyo Uruguay (1930).

Weeraryahanka wadanka Slovenia Milivoje Novakovic waxaa uu u baahan yahay hal gool si uu u noqdo xidiga ugu gool dhaliska badan dalkaas waxaana haatan ah cayaaryahanka ugu gool dhaliska badan Slovenia xidiga cayaaraha ka fariistay ee Saso Udovic oo 16 gool leh.

England

Wayne Roonay ayaa wax gool ah dhalinin 7 kulan ee caalami ee ugu dambeeyay oo dalkiisa uu u cayaaray waxayna la mid tahay 10 saac iyo bar ama 639 daqiiqo xitaa ay ku jiraan daqiiqadaha dheeriga ee cayarta lagu daro waxaana ugu dambeeysay gool uu dhaliyo Bishii September kulan dalka Croaria ay la cayaareen waana xiligiisa ugu xumaa ee xulka.

8 kulan ee ugu dambaysay koobka adduunka ee ingiriska uu cayaaro kulanka ugu dambeeya ee guruubyada ayay badiyeen 6 jeer oo kamid ah waxayna bar baro galeen labo jeer oo kala ahayd Nigeria 2002 iyo Sweden 2006.

Xulka ingiriiska ayaa ku guul daraystay in uu adkaado labada kulan ee guruubyada tan iyo 1990 markaas oo ay soo gaareen Seme Finalaha koobkan.

Kulankaan waxaa garsoorayo : Wolfgang Stark (Germany) Caawiyayaal ayaa kala ah Hendrik Salver iyo Mike Pickel (both Germany) Garsooraha Keydka waa l: Joel Aguilar (El Salvador)



Ghana v Germany

Waxaa kulan kala reeb ah cayaarya dalalka Ghana iyo Germany kuwaas oo u dagaalamaya wareega 16-ka koobka aduunka waxaana Germany uu guul daro kala kulmay kulankii ugu dambeeyay Serbia halka Ghana ay bar baro la soo galeen Australia waxayna kala leeyihiin Germany 3 dhibcood iyo Ghana 4 dhibcood waxaana ay mid kasta uu ka cararayaa dalka Serbia oo leh 3 hadii uu ka adkaado Australia ay u soo bixi karaan wareega xiga ee koobkan waxayna ka dhacaysaa cayaaartaan garoonka Soccer City ee Johannesburg.

Tababaraha wadanka Germany Loew ayaa sheegay in uu ku samayn doonno xulkiisa is badal ha lama labo ah isagoo la tashan doonno caawiyayashiisa.

Weeraryahanka Miroslav Klose ayaa calaamadda casaanka ku maqan iyadoo uu cayaarayo kulankaan dhaliyihii goolashii Australia ay kaga adkaaden mid kamid ah waana weeraryahanka Cacau.

Xidigaha xulka Ghana ee kala ah John Mensah iyo Issac Vorsah ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kadib dhawac horey u soo gaaray xidigahaan.

Waxaa hal kulan waayi doona xidigahaan hadii ay qaataan calaamad jaallo: Vorsah, Tagoe, Jonathan Mensah, Addy, Annan (Ghana); Cacau, Khedira, Lahm, Oezil, Schweinsteiger (Germany).

Xulka Ghana waxaa uu ahaa dalkii Afrikaan ah ee wareega 16-ka soo gaaray 2006.

Kulamadii hore ee dalalkaan dhexmaray

Waxay horey u cayaareen hal kulan oo qura waxaana Germany ay ku badiyeen 6-1 cayaar saaxibtinimo oo dhexmartay 1993 oo ka dhacday magaalada Bochum.

Ghana

Dalkaan Ghana waa dalka kaliya ee oo adkaada Mid kamid ah labadii kulan ee koobka adduunka xiligaan.

Dalka Ghana waxaa uu soo gaaray koobka adduunka wareegiisa 16-ka 2006 Nigeria ayaa ah dalka kaliya Afrikaan ee labo koob adduun ee isku xiga soo gaaray wareegyada kale waxayna gaareen 1994 iyo 1998.

Ghana 6 kulan oo koobka adduunka uu ka cayaaro ayaa afar rigoore loo dhigay iyagoo 3 kamid ah dhaliyay.

Germany

Dalka Germany ayaa la cayaaray shan kulan dalal ka socda qaaradda Afrika waxaana ka badiyay kaliya Algeria 2-1 sanadkii 1982.

Kulankii ugu dambeeyay ee koob adduun oo Germany laga badiyo labo cayaar oo isku xiga ayaa ahayd 1978 iyo 1982.

Kulalankaan waxaa garsoorayo :Carlos Simon (Brazil) Caawiyayaal ama calan wadayaal : Altemir Hausmann & Roberto Braatz (Brazil), Garsooraha keydka Martin Vazquez (Uruguay)

USA v Algeria

Waa kulankii ugu horeeyay ee dhexmara dalalkaan.

USA

Dalkaan maraykanka hal jeer ayuu la cayaaray dal ka socda qaaradda Afrika waxaana ay ahayd 2006 oo Ghana ay kaga badisay 2-1 isla markaana Ghana ay u soo baxday wareega 16-ka.

Dalka maraykanka ayaa laga adkaanayay kulanka ugu dambeeya ee guruubyada 6 koob adduun ee ugu dambeeyay laga soo bilaabo 1950-kii.

Algeria

Algeria ayaa laga badiyay labadii kulan oo ay la cayartay dal kasocda waqooyga iyo bartamaha Ameerika waxaana 1-0 kaga badisay Cupa 1974 iyo Mexico oo 2-0 ugu badisay 1985.

Waxaa garsooraya Frank de Bleeckere (Belgium Caawiyayaal : Peter Hermans (Belgium) & Walter Vromans (Belgium), Garsooraha keydka: Subkhiddin Mohd Salleh (Malaysia)

0 comments:

Post a Comment