Wednesday, June 23, 2010

Afrika oo Ghana ka hartay... Ingiriiska iyo Jarmalka oo isku soo aaday

Xulka Ghana ayaa noqdey dalka keliya ee Afrika ee usoo baxa wareega 2aad ee koobka aduunka sanadkan inkastoo kulankii ugu dambeeyey caawa lagaga adkaaday 1-0 markii ay iska hor yimaadeen xulka awooda ku leh kubada cagta ee Jarmalka.

Ghana oo kulankaan ka hor shaqeysatey 4 dhibcood ayaa guul iyo bareejo kusoo baxday halka xulka Jarmalka uu ku qasbanaa inuu badiyo ama ugu yaraan uu bareejo keeno isla markaana uu ka warsugo natiijada kulankii dhex marayey Australia iyo Serbia oo kusoo dhamaaday 2-1 ay ku badisay Australia.

Xulka Ghana ayaa bilowgii cayaarta lasoo galay dardar iyagoo dhowr jeer sigay goolka Jarmalka hase yeeshee xulka Jarmalka ayaa cayaarta la qabsaday kubada la qeybsaday xulkii Ghana, labada xul waxey iska qasaariyeen fursado waa weyn waxaana lagu kala nastay goolal la`aan.

Xidiga maalmahan shidan ee Jarmalka Mesut Oezil ayaa gool qurux badan u dhaliyey xulkiisa nus saac ka hor dhamaadkii cayaarta markii uu darbo xoogan kasoo gamay qiyaastii meel 20 mitir u jirto shabaqa, xidgaha Ghana ayaa dadaal weyn u galay sidii ay isaga gudi lahaayeen goolkaas inkastoo ay ku guuldareysteen.

Australia ayaa caawisay xulka Ghana markii ay 2-1 ku dhufteen qaranka Serbia, labadan dal ayaa ka haray wareega labaad waxaa guruubkan 1aad kusoo baxay dalka Jarmalka oo 6 dhibcood yeehsay, xulalka Ghana iyo Australia ay min 4 dhibcood urursadeen laakiin dhanka goolasha waxaa ku wanaagsanaa Ghana oo dhalisay 2 gool lagana dhaliyey 2 halka Australia ay dhaliyeen 3 gool laakiin laga dhaliyey 6 gool sidaasna uga haray koobka aduunka maadaama marka la kala jaro goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey Austraalia lagu yeeshay 3 halka xulka Ghana aan waxba lagu yeelan.

Xulka Ghana ayaa difaacay magaca iyo sharafta qaarada Afrika oo sanadkan markii ugu horeysay lagu qabanaayo halka 5ta dal ee kala ku hareen wareega 1aad. Ghana oo sidoo kale aheyd dalka keliya ee Afrika usoo baxay wareega labaad 2006 waxey kulanka 16ka dal isku aadan yihiin xulka Mareykanka halka xulalka Ingiriiska iyo Jarmalka uu kulan adag dhex mari doono maalinta Axada.

Xulalka Jarmalka iyo Ingiriiska waxey hore ugu kulmeen koobka aduunka 4 jeer iyadoo dalka Jarmalka badiyey 2, dalka Ingiriiskana 1

IJermain Defoe ayaa noqdey halyeygii Ingiriiska markii uu dhaliyey halkii gool ee ay kaga badiyeen xulka Slovenia halka cayaaryahan Donovan u horseeday qaranka Mareykanka iney 1aad kaga soo baxaan guruubka D markii uu goolka guusha dhaliyey ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey cayaarta gurigoodana u diray qaranka Algeria.

0 comments:

Post a Comment