Thursday, June 24, 2010

Xulkii difaacanayey koobka aduunka oo gurigooda loo diray



Xulkii difaacanayey koobka aduunka ee Talyaaniga ayaa ka haray gurigoodana loo diray markii guuldaro 3-2 ah dhabarka loo saaray kulankii ay la yeehseen xulka yar ee Slovakia oo markii ugu horeysay taariikhdooda ka qeyb gelaya koobka weyn ee aduunka.

Robert Vittek ayaa labadii gool ee hore labada qeyb ee ciyaarta u kala dhaliyey xulka Slovakia ka hor intuu uusan cayaaryahan Antonio Di Natale gool u dhalin Talyaaniga 10 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta.

Xulka Talyaaniga oo aad u raadinayey goolka bareejada ayaa weeraro isdaba joog ah soo qaaday laakiin 2 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta ayuu Kopunek oo bedel kusoo galay xulka Slovakia u dhaliyey goolkii 3aad.

Dhamaadkii cayaarta ayuu Quagliarella u dhaliyey Talyaaniga gool ka mid noqon doono kuwii ugu quruxda badnaa ee sanadkan laga dhaliyo goobka aduunka rajo aan badneyna geliyey taageerayaasha Talyaaniga laakiin wuxuu noqdey gool soo daahay.

Xulkii heystay koobka aduunka ayaa kaalinta ugu dambeysa ka galay guruub ay kula jireen xulalka Paraguay oo 1aad kusoo baxday markii ay bareejo goolal la`aan ah la galeen New Zealand kulankii kale ee maanta, Slovakia oo labaad kusoo baxday, xulka New Zealand oo 3aad galay markii ay 3dii cayaarba bareejo galeen halka xulka Talyaaniga oo la sugayey inuu si fudud kusoo bixi doono ay 4aad galeen iyagoo 2 dhibcood oo keliya shaqeystay.

Marka lagu daro xulka Faransiiska oo iyagana gurigooda loo diray waxey noqoneysaa markii ugu horeysay taariikhda koobka aduunka ee labadii dal finaalaha ku kulmay koobkii xigay lagu wada reebo guruubka.

Waxey noqoneysaa markii 3aad ee xul difaacanaayo koobka aduunka uu ku haro wareega 1aad iyadoo xulalka Brazil 1962 oo wareega 1aad ku haray 1966kii iyo Faransiiska 1998 oo wareega 1aad ku haray 2002 ay hada sadexeyneyso Talyaaniga 2006 oo sanadkan ku haray wareega 1aad.

Waa markii ugu horeysey ee qaranka Talyaaniga oo taariikh weyn ku leh koobka aduunka ku haro wareega 1aad tan iyo 1974kii markaasoo kaalinta 3aad noqdeen iyagoo ka kormaray xulka Haiti, xiligaas waxaa guruubka Talyaaniga 1aad iyo 2aad kusoo kala baxay qaramada Polen iyo Argentina.

Ceebta sanadkan Talyaaniga ka raacday koobka aduunka waxey taageerayaashooda soo xusuusineysaa koobkii aduunka 1966 markaasoo qaranka Kuriyada Waqooyi oo markoodii ugu horeeyey ka qeyb gelayey koobka aduunka ay 1-0 ku dhufteen gurigoodana u direen xidigihii Talyaaniga sidaasna ugu soo gudnay wareega 2aad.

Xulka Slovakia oo markoodii ugu horeeyey ka qeyb gelaayo koobka aduunka sanadkan ay 3-2 ku dhufteen gurigoodana weji gabax ugu direen xulkii difaacanayey koobka aduunka sidaasna kusoo gaaray wareega 2aad.

0 comments:

Post a Comment