Tuesday, June 8, 2010

Jaalle Siyaad oo ka waramaya sababta ay Soomaaliya, Afrika dhexdeeda uga weyday wax qadiyaddooda ku taageera - 1982

Jaalle Siyaad oo ka waramaya sababta ay Soomaaliya, Afrika dhexdeeda uga weyday wax qadiyaddooda ku taageera, wuxuu yiri:

Waxaa jirey nin madaxweyne Afrikaan ah oo aannu saaxiib aheyn, kaas oo dalkiisu uu dhowaan madax bannaanidiisii qaatey. Ninkaasi markii uu ku jiray halganka gobanimo-doonka ah, aad baan u taageeray. Fadhi kamid ah fadhiyadii ururka O.A.U. baa waxaan ka codsaday in aan la kulmo. Laakiin waa uu i diiday in uu ila kulmo. Iyadoo fadhigii uu socdo ayaa waxaan ku kulanay meel dibadda ka ah aqalkii lagu shirayay. Gacantaan kasoo qabtay oo meel gees ah intaan la aaday baa waxaan weeydiiyay : Maxay tahay sababta aad u diiday in aad ila kulanto. Waa uu i eegay isaga oo didsan, waxuuna iigu jawaabay : Waad ogtahay in aan ahay mid ku xiran taageerada aan dibadda ka helo. Sidaa darteed waxaa layga mamnuucay in aan wax kula qabsado, halis iskama aan gelin karo kaalmada la isiiyo.

Tabtaas ayuu iila hadlay. Sidaas baad ku aamini kartaa in dowladaha Afrikaanka ahi eeyan xor ahayn. Dal xoroobaa ma jiro inta uusan cagahiisa ku istaagin. Sidaas beeyan u jirin dal Afrikaan ah oo Soomaaliya ay taageero ka heshay Waa ay ina ayidi lahaayeen haddii ay dowladaha xoogga leh ay farta ugu fiiqi lahaayeen. Haddase waa ay naga fogaanayaan waayo dowladaha waaweyn ayaa sidaas raba. (I Somalia, Bo Bjelfvenstam, 1982. p. 141)
balayaax@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment